4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2017
Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyay in ay dad rayid ah ku dileen dulleedka Muqdisho

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka deegaanka Lafoole gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM halkaa ku dad shacab ah oo Ardey u badnaa.

Qof goobjooge ah oo magaciisa u qariya sababo dhinaca Amniga ah ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ciidamada AMISOM dileen dad rayid ah  oo Ardey ay ka mid ahaayeen.

Sidoo kale, rasaas ay fureen ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Wariye lagu magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad.

Toogashada dadka rayidka ayaa ka danbeysay kaddib markii qarax lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo intaa kaddib gudaha u gallay xaafadaha deegaanka Lafoole oo la sheegay in ay dadkan ku dileen.

‘’Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa Ardey  Dugsiga la soo daayay iyo Macalinkooda, sidoo kale waxaa dhintay Wariye lagu magacaabi jiray Jacfar oo ay rasaastu ka haleeshay madaxa’’ ayuu yiri goob joogaha la hadlay warbaahinta,

Waxaa is taagay isku socodkii dadka iyo gadiidka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, madaama uu halkaa ka socdo howlgal ay sameynayaan ciidamada AMISOM.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Wixii warar ah ee ka soo kordha arintan waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]