3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2017
Dab xalay ka kacay Kaalin Shidaal oo ku yaala Boosaaso

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Kaalin shidaal oo ku yaalla Afar Irdoodka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Kaalinta shidaal ee Dabka uu ka kacay xalay oo gaar loo leeyahay laguna magacaabo 3CC, ayaa waxa ay si gaar ah ugu taalaa meel aan sidaas uga fogeyn Hotelka Ramaada.

Gaadiidka dab damiska iyo shacab kale oo gurmad ah ayaa isla xalay waxaa ay gaareen goobta uu Dabka ka kacay, iyaga oo dadaalo badan kaddib, ku guuleystay daminta Dabkii kacay.

Intii uu xalay Dabka socday ayaa waxaa la arkayay Fuustooyin shidaal ah oo Qarxaya, islamarkaana uu cirka isku shareeray Ololka goobta ka soo baxayay, sida ay sheegeen qaar ka tirsan dad goob joogayaal ah.

Khasaare hantiyadeed oo fara badan ayaa ka dhashay dabkan, iyada oo sidoo kale goobaha kale ee Ganacsi laga bixiyay hantidii tiilay, si aanay u saameyn dabka, waxana xalay ay cabsi soo wajahday shacabka magaalada.

Ilaa hadda si Dhab ah looma waxa dhabta ah ee sababay dabkan, balse Maamulka Gobolka oo xalay goobta gaaray ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaanada la xiriira dabkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/25/2017 6:53 PM EST
Jan. Maxamed Abshir Muse oo lixdanaadkii ahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeryooday gobolka Minnesota. marxuumka ayaa ku noolaa gobolkaan Minnesota tan horaantii labada kun.

10/25/2017 8:31 AM EST
Cabdiraxmaan Caynte oo madaxwaynaha Soomaaliya u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya doona dalka Ingiriiska ayaa xilkii safarnimo iska casilay, Safiirka hore ee ingiriiiska ayaan kula xiiriiray bartiisa arimaha bulshada ayaa ii xaqiiyey is casilaadiisa uu iigu sheegay arimo isaga u gaara.

10/25/2017 7:39 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

10/25/2017 7:31 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ka hadlay weerar saacadihii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Lafoole, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana jira eedeymo soo baxaya oo ah in AMISOM halkaa ku lahaayeen dad rayid ah.

10/25/2017 5:33 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Qareenada guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa kaddib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

10/25/2017 5:15 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka deegaanka Lafoole gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM halkaa ku dileen dad rayid ah.

10/25/2017 4:17 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay socdaal ku tagay dalka Jabuuti ayaa kala hadlay Dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle Ammaanka Soomaaliya, madaama Jabuuti qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa AMISOM.

10/25/2017 4:06 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab ayaa saaakay weerar Dhabo-Gal ah ku qaaday ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM xili ay marayeen meel aan ka fogeyn inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho.

10/25/2017 2:22 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta go'aan ka gaarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay Khamiista.

10/25/2017 2:16 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali khayre ayaa maanta lagu wadaa in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga.

10/25/2017 2:04 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhinaca kalana guuddoomiye ka ah madal ay ku midoobeen madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira, ayaa sheegay in ay aqbaleen ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee 28ka bishan ka dhacaya Muqdisho.

10/25/2017 1:48 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in aysan diyaar u aheyn waqtigan wax ka qabashada nabad-galyada dalka iyo dib –u-heshiisiin loo sameeyo bulshada Soomaaliyeed.