3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2017
Maxkamada sare ee Kenya oo maanta laga sugayo go’aan la xiriira doorashada

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta go'aan ka gaarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay Khamiista.

Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab degdeg ah oo loo soo gudbiyay oo ku aadan in dib loo dhigo doorashada.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista.

Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayaan in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonto in doorasho hor leh la qabto.

Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay 'qeyb ka noqoshada' doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho 'macquul ah' la qabto.

''Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka'', ayuu yiri Wafula Chebukati.

Xigasho BBC













Click here
10/25/2017 6:53 PM EST
Jan. Maxamed Abshir Muse oo lixdanaadkii ahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeryooday gobolka Minnesota. marxuumka ayaa ku noolaa gobolkaan Minnesota tan horaantii labada kun.

10/25/2017 8:31 AM EST
Cabdiraxmaan Caynte oo madaxwaynaha Soomaaliya u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya doona dalka Ingiriiska ayaa xilkii safarnimo iska casilay, Safiirka hore ee ingiriiiska ayaan kula xiiriiray bartiisa arimaha bulshada ayaa ii xaqiiyey is casilaadiisa uu iigu sheegay arimo isaga u gaara.

10/25/2017 7:39 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

10/25/2017 7:31 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ka hadlay weerar saacadihii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Lafoole, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana jira eedeymo soo baxaya oo ah in AMISOM halkaa ku lahaayeen dad rayid ah.

10/25/2017 5:33 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Qareenada guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa kaddib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

10/25/2017 5:15 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka deegaanka Lafoole gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM halkaa ku dileen dad rayid ah.

10/25/2017 4:17 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay socdaal ku tagay dalka Jabuuti ayaa kala hadlay Dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle Ammaanka Soomaaliya, madaama Jabuuti qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa AMISOM.

10/25/2017 4:06 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab ayaa saaakay weerar Dhabo-Gal ah ku qaaday ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM xili ay marayeen meel aan ka fogeyn inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho.

10/25/2017 2:30 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Kaalin shidaal oo ku yaalla Afar Irdoodka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

10/25/2017 2:16 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali khayre ayaa maanta lagu wadaa in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga.

10/25/2017 2:04 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhinaca kalana guuddoomiye ka ah madal ay ku midoobeen madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira, ayaa sheegay in ay aqbaleen ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee 28ka bishan ka dhacaya Muqdisho.

10/25/2017 1:48 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in aysan diyaar u aheyn waqtigan wax ka qabashada nabad-galyada dalka iyo dib –u-heshiisiin loo sameeyo bulshada Soomaaliyeed.