4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2017
Ra'iisal wasaare Kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo ku sii jeeda dalka Turkiga

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali khayre ayaa maanta lagu wadaa in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga.

Xubno ka tirsan xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in ra’iisal wasaare Khayre uu maanta anbabaxayo dalka Turkiga, isaga oo halkaasi kula soo kulmaya madaxda dalkaas ugu sareysa sida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Binali Yildirim.

Khayre ayaa Madaxda Turkiga wuxuu kala hadli doonaa sida uu qorshaha yahay xiriirka labada dal oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha iyo  taageerada Soomaaliya ee Turkiga.

Ra'iisal wasaaraha ayaa la sheegay in dhinaca kale uu booqan doono dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ee la geeyay dalkaasi, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 35 qof oo u badan Haween iyo Caruur, isaga oo sidoo kale kulan la soo qaadan doona Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa qorshihiisa wuxuu ahaa in Axadii ina dhaaftay oo 15-kii bishan ay ku beegneyd uu aado Turkiga, hasse ahaatee waxaa la sheegay in uu u baaqday Qaraxii weynaa ee 14kii bishan ka dhacay Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]