3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2017
Ra'iisal wasaare Kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo ku sii jeeda dalka Turkiga

 

Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali khayre ayaa maanta lagu wadaa in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga.

Xubno ka tirsan xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in ra’iisal wasaare Khayre uu maanta anbabaxayo dalka Turkiga, isaga oo halkaasi kula soo kulmaya madaxda dalkaas ugu sareysa sida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Binali Yildirim.

Khayre ayaa Madaxda Turkiga wuxuu kala hadli doonaa sida uu qorshaha yahay xiriirka labada dal oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha iyo  taageerada Soomaaliya ee Turkiga.

Ra'iisal wasaaraha ayaa la sheegay in dhinaca kale uu booqan doono dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ee la geeyay dalkaasi, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 35 qof oo u badan Haween iyo Caruur, isaga oo sidoo kale kulan la soo qaadan doona Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa qorshihiisa wuxuu ahaa in Axadii ina dhaaftay oo 15-kii bishan ay ku beegneyd uu aado Turkiga, hasse ahaatee waxaa la sheegay in uu u baaqday Qaraxii weynaa ee 14kii bishan ka dhacay Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/25/2017 6:53 PM EST
Jan. Maxamed Abshir Muse oo lixdanaadkii ahaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeryooday gobolka Minnesota. marxuumka ayaa ku noolaa gobolkaan Minnesota tan horaantii labada kun.

10/25/2017 8:31 AM EST
Cabdiraxmaan Caynte oo madaxwaynaha Soomaaliya u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya doona dalka Ingiriiska ayaa xilkii safarnimo iska casilay, Safiirka hore ee ingiriiiska ayaan kula xiiriiray bartiisa arimaha bulshada ayaa ii xaqiiyey is casilaadiisa uu iigu sheegay arimo isaga u gaara.

10/25/2017 7:39 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

10/25/2017 7:31 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ka hadlay weerar saacadihii hore ee maanta ka dhacay deegaanka Lafoole, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana jira eedeymo soo baxaya oo ah in AMISOM halkaa ku lahaayeen dad rayid ah.

10/25/2017 5:33 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Qareenada guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa kaddib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

10/25/2017 5:15 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka deegaanka Lafoole gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM halkaa ku dileen dad rayid ah.

10/25/2017 4:17 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay socdaal ku tagay dalka Jabuuti ayaa kala hadlay Dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle Ammaanka Soomaaliya, madaama Jabuuti qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa AMISOM.

10/25/2017 4:06 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab ayaa saaakay weerar Dhabo-Gal ah ku qaaday ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM xili ay marayeen meel aan ka fogeyn inta u dhaxeysa deegaanka Carbiska iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho.

10/25/2017 2:30 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Kaalin shidaal oo ku yaalla Afar Irdoodka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

10/25/2017 2:22 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta go'aan ka gaarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay Khamiista.

10/25/2017 2:04 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhinaca kalana guuddoomiye ka ah madal ay ku midoobeen madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira, ayaa sheegay in ay aqbaleen ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee 28ka bishan ka dhacaya Muqdisho.

10/25/2017 1:48 AM EST
Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in aysan diyaar u aheyn waqtigan wax ka qabashada nabad-galyada dalka iyo dib –u-heshiisiin loo sameeyo bulshada Soomaaliyeed.