Arbaco, October, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka
gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in
aysan diyaar u aheyn waqtigan wax ka qabashada nabad-galyada dalka iyo dib –u-heshiisiin
loo sameeyo bulshada Soomaaliyeed.
Cali Jeyte ayaa sheegay in dowladda dhexe ay mashquul ku
tahay sida uu hadalka u dhigay siyaasado kale, halkii loo baahnaa in ay
ahmiyada ugu weyn siiso xoreynta deegaannada wali ku jira gacanta Al-shabaab.
‘’ Siyaasad la xiriirta in dib u xoreyn laga sameeyo
dalka dowladda dhexe marnaba lama iman, sidoo kale waxaan ku eedeynayaa
dowladda dhexe dib-u-heshiisiinta wey ka gaabisay, haddii aysan dib u xoreyntii dalka diyaar u
aheyd dowladda oo ciidamadeedii gobollada joogay
aysan qalabeysneyn u maleyn mayo in wax guul ah la gaarayo’’ ayuu yiri
guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Wuxuu sheegay in dalkan dib u heshiisiin dhab ah looga baahan yahay, madaama
qodobkaa uu qeyb weyn ka ahaa balanqaadyadii madaxweynaha dowladda Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
‘’Dowladda Muqdisho oo kaliya ayeey ku kooban tahay, waxey
la tahay malaha in Muqdisho oo kaliya tahay Soomaaliya oo dhan, Syaasad, Dib u dhis iyo Tababar ciidan intaba Muqdisho ayeey mashquul ku
tahay, waa taa iyadiina Amni ma’aha oo waxa ka dhacaya waad aragtaan’’ ayuu
yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya
in awooda iyo xukunka la daadajiyo oo
lagu fidiyo qeybaha kale ee dalka, si looga adkaado ayuu yiri Ururada
dhibaatada ku ah Ammaanka dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]