3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2017
Guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Somalia oo Garowe uga qayb-galaya kalfadhiga 40-aad ee Barlamaanka Puntland


Talaado, October, 24, 2017 (HOL) –Gudoomiyaha Aqalka sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe isaga iyo xubno kale oo ka tirsan aqalka sare ,waxaana magaalada ku soo dhaweeyay qaar kamid ah madaxda Puntland ugu saraysa.

Safarkan mid lamid ah ayaa sidoo kale waxaa magaalada Garowe ku yimid gudoomiyaha golaha shacabka Somalia Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ,waxaana labada gudoomiye ay ka qayb-gali doonaan kalfadhiga 40-aad ee Barlamaanka Puntland oo maalinta bari ah furmaya.

Labada gudoomiye ayaa sidoo kale inta ay joogaan waxa  la kulmi doonaan madaxweynaha Puntland iyo guddoonka barlamaanka ,iyada oo sida la sheegay kulamadaasi lagu soo hadal qaadi doono dhamaynta ismaan-dhaafka ka dhex jira Dowladda Somalia iyo maamulada dalka.

Gudoomiye Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee la isla soo qaadi doono ay ku jirto dib u eegista dastruurka Somalia oo bilihii la soo dhaafay uu ka taagnaa muran la xiriira habka loo marayo .

"Waxaan dowladda iyo shacabka Puntland uga mahad-celinaynaa soo dhawaynta balaaran ee halkan naloogu sameeyay ,waxaana ku amaanayaa horumarka ay dhanka nabad-da ka gaareen " ayuu yiri gudoomiyaha aqalka ssare oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada  Somalia.


Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku hadlayay magaca madasha ay ku midaysan-yihiin maamul goboleed-yada ayaa sheegay in ay ka qayb-gali doonaan kulanka uu ku baaqay madaxweynaha Somalia ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.  

Faysal M. Hassan
[email protected]













Click here
10/24/2017 10:28 AM EST
Jaaliyadda Soomaalida ee dagan magaaladda Rochester ee gobolka Minnesota ayaa isagu timi kulan Baroordiiq iyo Duco laagu sameenayay dadkii ku wax yooloobay qaraxii 14 Oktoobar ka dhacay magaaladda Muqdisho,iyadoo kulankaan lagu qabtay xarunta wayn iskuulka Rochester Math and Seince oo ay maamuulaan aqoonyahano Soomaaliyeed.

10/24/2017 8:37 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) –Inta la hubo qof naftii hore ah ayaa ku geeriyooday qarax maanta duhurkii ka dhacay magaalada Bosaaso ,kaasi oo la doonayay in lala eegto saldhiga-ga bartamaha ee magaalada Bosaaso.

10/24/2017 8:20 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qeyb ka ah safarka uu ku marayo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya goor dhaw ku tagay dalka Jabuuti.

10/24/2017 7:43 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay Arbacada go'aan ka gaarto in doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ee la qorsheynayo in ay dhacdo Khamiista iyo in kale.

10/24/2017 7:22 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu kafaalo qaaday waxbarashada ardaydadii Aabayaashood ku waayey qaraxii musiibada ahaa ee 14 Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee hadda loo bixiyey ( 14 October).

10/24/2017 6:51 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa ammaanka Soomaaliya ayaa kala hadashay Urur goboleedka IGAD kaddib shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

10/24/2017 4:51 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Kulan xasaasi ah oo maalintii shalay magaalada Muqdisho ku dhaxmaray taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa looga wada hadlay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab.

10/24/2017 2:38 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa laguna qabtay xaruta Safaarada looga hadlay Ganacsiga Soomalida halkaa ku dhaqan iyo dhibaatooyinka ay wajahayaan.

10/24/2017 2:00 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) - Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo maalintii shalay khudbad ka jeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo hadal qaaday arrimaha Amniga iyo Saboolnimada laga dhaxlay abaarta.

10/24/2017 1:49 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii maalintii shalay ka qeybgashay munaasabada caleemo saarka madaxweyne Waare, ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle.

10/24/2017 1:40 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista, haddii mucaaradku diidaan iyo haddii kalaba.

10/24/2017 1:36 AM EST
Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay xalay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.