4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2017
Soomaalida Dagan Rochester MN oo isagu yimi Kulan Duco & Baroordiiq Dhacdadii 14 Oktoobar

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) –Jaaliyadda Soomaalida ee dagan magaaladda Rochester ee gobolka Minnesotaayaa isagu  timi kulan Baroordiiq iyo Duco laagu sameenayay dadkii ku wax yooloobay qaraxii 14 Oktoobar ka dhacay magaaladda Muqdisho,iyadoo kulankaan lagu qabtay xarunta wayn iskuulka Rochester Math and Seince oo ay maamuulaan aqoonyahano Soomaaliyeed. 

Waxaana xusid mudan inay kulankaan kala soo qaybgaleen Soomaalida Rochester madaxda ugu sareeysa ee laga soo doorto magaaladaas sida David Senjem State Senator ,Carlo Nelson State Senator, iyo labada xildhibaan ee kala ah Tina Liebling & Duane Sauke , iyagoo dhamaantood khudbadahii ay halkaa ka jeediyeen ku xusay inay aad ugu xun yihiin waxii ku dhacay 14 Oktoobar umadda Soomaaliyeed iyagoo ka tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed.


Cabdiqaadir Daahir Cabdalla Maamulaha Schoolka RMSA ayaa HOL u sheegay in dhacdadaan ay tahay mid aad xun indhana laga qabsan karin waxii dhacay ,waxaan samaynay gudi ka kooban 9qof ,waxaana qorshaheenu yahay in aan aruurino lacag dhan $100.000 ,dadka dagan Rochester  waa dad aad u fiican shaqaysta wadaniyiin ah waxaan ku dadaalaynaa inaan lacagtaas si dhaqso ah u aruurino.

Cumar Nuur oo ah madaxa ururka Somalia Rebuild Organization dagana magaaladaas ayaa  ummadda Soomaaliyeed hawada u mariyey in la gaaray waqtigii midnimada iyo isku duubnida taariikhda waa inaan wax ka baranaa waxii ka dhacay muqdisho waa inaan ku wax qaadanaa,waana xiligii uu caqligu shaqeen lahaa ayuu yiri Cumar Nuur .

Senator David H.Senjem  ayaa isaguna yiri waxii ka dhacay Muqdisho isbuucyo ka hor oo aan sawiradooda aragnay maaha  wax la eegi karo ,waxayna nagu beertay xanuun waayo waxaan nahay dad isku mid ah,waana ka xunahay waxa gaaray dadkiina.

Cali Jaras oo ka mida Macalimiinta RMSA iyo odayaasha magaaldaan ayaa isaguna hadal dheer goobta ka jeediyey ,waxuuna sheegay in loo baahan yahay in garab istaag loo muujiyo dadkii halkaas ku waxyooloobay ku dhaqaalo beeelay waana dhamaanteen inaan bixino wax kasta oon awoodno, waa inaan kacnaa hawasha noo taal maha mid yar ayuu yiri Cali jaras.

Ugu danbayntii Jaaliyadda ayaa intii goobta isagu timi ayaa balanqaaday lacag gaaraysa ilaa $30.000 ,gudiganu waxuu sheegay inay wadi doonaan uruurinta lacagtaan intay ka gaarayaan intii ay kor ku soo xuseen.

Siyad Said Salah

siyad@hiiraan

Hiiraan Online

Minneaplis MN