4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2017
Qarax aan khasaara badan gaysan oo maanta ka dhacay magaalada Bosaaso


Talaado, October, 24, 2017 (HOL) –Inta la hubo qof naftii hore ah ayaa ku geeriyooday qarax maanta duhurkii ka dhacay magaalada Bosaaso ,kaasi oo la doonayay in lala eegto saldhiga-ga bartamaha ee magaalada Bosaaso.

Sarkaal ka tirsan laamaha aminga oo HOL la hadlay ayaa sheegay in kaliya qaraxan uu ku dhintay qofkii soo maaleegay , isla markaana tira dhowr ah ay ku dhaawacmeen weerarkan oo dhacay xiligii qadada ka dib.

Waxa uu sheegay in qofka weerarka gaystay  uu isku soo xiray walxaha qarxa , isla markaana uu dooonayay in uu gudaha u galo saldhiga , balse askartu ay ka horjoogsadeen in uu gudaha u gudbo.

Laamaha danbi baarista gobolka Bari oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in natiijada baarista dib laga shaacin doono , iyada oo sawirro goobta laga helay ay muujinayaan in qofka is qarxiyay uu watay gaari gacan laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan ciidan iyo kuwa ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana tiradooda guud lagu sheegay in ay gaarayso afar qof oo dhaawacyo fudud qaba.

Ugu danbayn, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyad-da weerarkan ,waxaana uu ku soo beegmayaa, iyada oo Puntland ay dagaal adag kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo ISIL oo dhowr jeer weeraro kala duwan soo qaaday.

Hiiraan Online News Desk