4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2017
Maxkamada sare ee Kenya oo ka fiirsaneysa in Khamiista la qabto doorashada ku celiska ee dalka

 

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay Arbacada go'aan ka gaarto in doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ee la qorsheynayo in ay dhacdo Khamiista iyo in kale.

Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab deg deg ah oo maanta loo gudbiyay, waxaana la filayaa in ay soo saarto go'aan la xiriira doorashada Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonta Khamiista

Dadka sida weyn ula socda siyaasada dalka Kenya ayaa qaba in arrimaha dhacaya oo dhan marka leysku darro laga yaabo in ay dalka u horseedo qalalaase siyaasadeed, waa haddii ay maxkamadu ku go’aan qaadato in dib loo dhigo doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]