4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2017
Maamulka Gobolka Banaadir oo kafaalo qaaday waxbarashada Carruurtii Aabayaashood ku waayey Qaraxii Soobe



Talaado, October, 24, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu kafaalo qaaday waxbarashada ardaydadii Aabayaashood ku waayey qaraxii musiibada ahaa ee 14 Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee hadda loo bixiyey ( 14 October).

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inuu booqday qaar ka tirsan qoysaskii dhibka ay kasoo gaartay Musiibadii 14 October.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si gaar ah Mas'uuliyad isaga saaray inaysan waxbarashada ka istaagin ardaydii aabayaashood ku waayey qaraxaas.

Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri:

" Waxaan maanta soo booqanay qaar ka mid ah qoysaskii dhibta ay ka soo gaartay masiibadii 14ka October. Waxaan si gaar ah mas’uuliyad iskaga saarnay in waxbarashada caruurtaas aysan istaagin. Waxaan la xiriirnay Iskuulladooda si aan ugu wargelino in aan kafaalad qaadeyno waxbarashadooda. Fadlan ka qeybqaata garab-istaagga walaalihiina si mustaqbal leh"

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mas'uuliyad gooni ah iska saari doonaan sidii loo daryeeli lahaa caruurtan , isla markaana inta ka dhiman waxbarashadooda ay si haboon ku dhamaysan doonaan

Mustaf Hussien  
[email protected]