Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Dowladda
Mareykanka ayaa ammaanka Soomaaliya ayaa kala hadashay Urur goboleedka IGAD kaddib
shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee
dalka Itoobiya.
Mareykanka waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo taageero
dowladda Soomaaliya oo xilliggaan oo dagaal weyn kula jirtay Al-shabaab.
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Nikki Hale ayaa kulan looga
hadlayay ammaanka Soomaaliya la qaadatay madax ka tirsan IGAD iyo sidoo kale midowga
Africa.
Waxa ay sheegtay in Midowga Afrika laga doonaayo in ay garab istaagan
dowladda Soomaaliya, islamarkaana la xoojinaayo ciidamada AMISOM ee ku sugan
Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna madaxa urur goboleed IGAD ayaa dhinaciisa
sheegay in dowladaha gobolka ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu jira
Al-shabaab .
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha si weyn u taageera Soomaaliya,
qeybtana ka ah howlgalada lagu beegsado Al-shabaab.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xili shalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo uu gaaray dalka Itoobiya, islamarkaana mas’uuliyiinta
dalkaasi uu ka codsaday in laga taageero dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo jeediyay
Soomaaliya Idhaha beesha caalamka oo siweyn uga gilgishay khasaaraha dhimasho
ee Qaraxu sababay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]