4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2017
Mareykanka iyo IGAD oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya

 

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa ammaanka Soomaaliya ayaa kala hadashay Urur goboleedka IGAD kaddib shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Mareykanka waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo taageero dowladda Soomaaliya oo xilliggaan oo dagaal weyn kula jirtay Al-shabaab.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Nikki Hale ayaa kulan looga hadlayay ammaanka Soomaaliya la qaadatay madax ka tirsan IGAD iyo sidoo kale midowga Africa.

Waxa ay sheegtay in Midowga Afrika laga doonaayo in ay garab istaagan dowladda Soomaaliya, islamarkaana la xoojinaayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna madaxa urur goboleed IGAD ayaa dhinaciisa sheegay in dowladaha gobolka ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu jira Al-shabaab .

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha si weyn u taageera Soomaaliya, qeybtana ka ah howlgalada lagu beegsado Al-shabaab.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xili shalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gaaray  dalka Itoobiya, islamarkaana mas’uuliyiinta dalkaasi uu ka codsaday in laga taageero dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo jeediyay Soomaaliya Idhaha beesha caalamka oo siweyn uga gilgishay khasaaraha dhimasho ee Qaraxu sababay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]