4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2017
Taliska militariga Soomaaliya iyo AMISOM oo kulmay

 

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Kulan xasaasi ah oo maalintii shalay magaalada Muqdisho ku dhaxmaray taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa looga wada hadlay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka waxaa joogay taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod iyo Taliyaha AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle, waxaana kulanka goob joog ka ahaa Saraakiil kale oo labada dhinac ka tirsan.

Taliyaasha kulmay ayaa kulankooda si weyn uga wada hadlay sida ugu haboon ee lagu bilaabi karo howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana labada dhinac ay u balameen howlgal militari.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Jaamac Gorod ayaa sheegay in Saraakiisha ciidanka AMISOM ka dalbadeen in ay gacan ka siiyaan sidii Al Shabaab uga saari lahaa deegaanada ay dalka ka joogaan.

 

Sidoo kale Taliyaha AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle, ayaa sheegay dhinaciisa in diyaar u yihiin ciidamada AMISOM in gacan ka siiyaan ciidamada dowlada dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safar shaqo ugu maqan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isaga oo dhinaciisa kala hadlaya madaxda gobolka howlgalkan la qorsheynayo in uu dalka ka bilaawdo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]