4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2017
Michael Keating : Saddexdii qof ee Soomaaliyeedba Labo ka mid ah ma heystaan wax ay Cunaan

 

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) - Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo maalintii shalay khudbad ka jeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo hadal qaaday arrimaha Amniga iyo Saboolnimada laga dhaxlay abaarta.

Waxaa uu sheegay in Keating in shacabka Soomaaliyeed xiligan wajahayaan xaalad amaan darro, loona baahan yahay si xaaladaasi ay uga baxaan garab istaag iyo hiilo, iyo in la kordhiyo dagaalka ay ku jiraan ciidamada dowladda.

Wuxuu kaloo sheegay Mickeal Keating in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaali ah in aysan heysan wax ay cunaan, maadaama dalka uu qaabilay Abaaro aad u xanuun badan oo wali ay muuqato saameyntooda.

“Laakiin arrinta xauunka badan ee dhabta ah ee na hortaalla ayaa waxa ay tahay in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaaliyeedba aysan maanta heysan wax ay cunaan, dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa hortaalla amni xumo.

“Beesha Caalamka waxay dooneynaa in ay garab istaago Soomaaliya, in ay maalgelin ku sameyso hormarinta nabad-gelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqa abuurka, horusocodka nidaamka Dowladda, ayuu yiri'' Keating.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]