4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2017
Madaxweynaha Puntland oo xalay ku hoyday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle

 

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii maalintii shalay ka qeybgashay munaasabada caleemo saarka madaxweyne Waare, ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle.

Waxaa shalay galinkii danbe halkaa ka dhoofay madaxweynayaashii kale ee ka qeybgalay caleemo saarka oo kala ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Cabdiwali Gaas ayaa gudoomiye ka ah Isbaheysiga madaxda dowlad gobolleedyada ee dhawaan lagu dhisay shirkii Kismaayo halka madaxweyne Waare Isbaheysiga uu ka yahay  guddoomiye ku-xigeen.

Lama oga waxa ay ka wada hadleen Gaas iyo Waare waxaase loo maleynayaa in labada mas'uul isla soo qaadeen shirka madaxweyne Farmaajo uu ku martiqaaday madaxda dowlad gobolleedyada ee dhawaan la filayo in uu ka dhaco Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]