4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 24, 2017
Al-shabaab oo weeraray saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen Afgooye

 

Talaado, October, 24, 2017 (HOL) – Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay xalay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka markii hore uu ku bilaawday madaafiicda garabaha laga rido, waxaana labada dhinac markii dambe isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa socday muddo kooban, waxaana ciidamada dowladda ee la weeraray fariisinkooda la sheegay in ay iska caabiyeen.

Weerarkan ayaa imanaya xili ciidamada dowladda isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab sida ay ku dhawaaqeen madaxda ugu sareysa dalka.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadaan degmada Afgooye oo Muqdisho dhanka galbeed kaga beegan 30KM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]