4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2017
Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in dib loo dhigo Siyaasadaha la isku hayo oo loo midoobo Shabaab

Isniin, October, 23, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qeybgalay xafladdii caleemo saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadlay xaaladaha uu dalka marayo iyo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waxa uu marka hore sheegay in uu ka xunyahay dhibaatadii 14-October ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay in hadii aan laga gaashaaman ay suurogal tahay in ay marar badan soo laabato. Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in loo midoobo sidii Al-shabaab dalka looga saari lahaa.

Waxa uu sheegay in kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee madaxda dalka aysan ahayn in ay horseedo in laga tanaasulo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoo xusay in loo baahanyahay in ay si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaab.

Waxa uu hadalkiisii raaciyay “ Maalin walba ma dhaafi doonno in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysanno oo aan xaaqanno halkii shacabkeenna lagu dhameeyay, hadaynaan Argagixisada dagaal dhab ah ku qaadin” .

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kadib weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee 14-kii October, lala beegsaday Isgoyska Soobe, kaa oo ay ku dhinteen dad ka badan 300, tiro intaa ka bandanna dhaawacyo kazoo gaareen,  waxana dowladdu ay ku eedeeysay Al-shabaab, wallow aysan ilaa hadda sheegan in ay iyagu ka danbeeyeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.