4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2017
Taliska booliiska oo Amray in la soo qabto Askari saldhig ku dhax toogtay qof shacab ah

 

Isniin, October, 23, 2017 (HOL) - Taliska ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa Amar ku bixiyay in la soo xiro qof gudaha saldhga degmada Huriwaa ku dhax toogtay qof shacab ah o oo dacwad loo heystay, waxaana la sheegay in amarka dilka uu bixiyay taliyaha saldhiga degmada.

Ehelada Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Abshir Cabdullaahi Jaamac ayaa diiday in la Aaso Meydka ilaa laga qabto Askarigii toogashada geystay.

War ka soo baxay taliya ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen Cabdixakiin Daahir Saciid ayaa looga tacsiyeeyay Ehelada geerida wiilkooda, waxaana uu taliyuhu Amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigo Askariga falka geystay.

Warka ka soo baxay taliska ayaa sidoo kale laamaha amniga faraya in la soo qabto cid kasta oo ay ku cadaato in ay falkaasi ku lug laheyd.

Waa markii ugu horeysay oo saldhig booliis gudaha magaalada Muqdisho lagu dhax toogto qof rayid ah loogu yeeray markii hore in uu saldhiga yimaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]