4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2017
Imaaraadka oo deeq dawo ah soo gaarsiiyay Muqdisho


Isniin, October, 23, 2017 (HOL) - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dawooyin loogu tala galay dadkii ku wax yeeloobay Qaraxii 14-tii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejisay dawada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxa ay sheegeen in dowladda Imaaraadka Carabta ay kaalin muuqda ka cayaari doonto u gargaarida dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Dowladaha Caalamka ayaa wali wadda garagaarkii ay ugu tala galay dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen Qaraxii lagu hoobtay ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]