4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo goor dhaw gaaray magaalada Jowhar

 

Isniin, October, 23, 2017 (HOL) - Wafdi uu horkacay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa  goor dhaw ka  degey garoonka diyaadaha magaalada Jowhar, iyadoo sidoo kale ay halkaa gaareen madaxda maamul gobolleedyada dalka.

Wafdiga uu horkacayo ra’iisal wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Wasiir ku xigeenno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Inkastoo ra’iisal wasaaraha uu halkaa u tagay ka qeybgalka caleemo saarka madaxweyne Waare haddana lama oga in uu jiro doono kulan dhaxmaraya ra'iisal wasaaraha iyo  madaxda maamul gobolleedyada dalka ka dhisan oo dhamantood wada jooga Jowhar.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]