4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2017
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada qaarkood oo gaaray Jowhar

 

Isniin, October, 23, 2017 (HOL) –  Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shbeelle waxaa Goordhow gaaray Madaxda maamul goboleedyada si ay uga qeyb galaan munaasabada caleemo saarka madaxweyne Waare.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed,Puntland, iyo Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaana iyana tegay Jowhar, kuwaas oo Goobjoog ka noqon doona  munaasabada caleemo saarka

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxana wali jowhar ku sii qul qulaya wufuud kala duwan, iyada oo  goor la filayo in uu halkaa tago ra’iisal wasaaraha Kheyre.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]