4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2017
Xildhibaannada Aqalka sare oo dood ka yeeshay Khilaafka DF iyo maamul gobolleedyada

 

Isniin, October, 23, 2017 (HOL) – Kulankii shalay ee xildhibaannada Aqalka sare ayaa siweyn looga dheehan karay kala qeysanaanta ka dhax jirta gollaha ee la xiriirta xiisada u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa waxaa aragtidooda arrintan ku saabsan ka dhiibtay xidhibaanno dhowr ah oo siyaabo iska soo horjeeda u camiray aragtidooda ku aadan khilaafka jira.

Xildhibaannada qaar ayaa sheegay in dowlad gobolleedyada dalka jira gafsan yihiin Dariiqa ay lahaayeen loona baahan yahay in mar walba la ilaaliyo sharciga iyo dastuurka dalka u yaala iyo awoodaha ay kala leeyihiin dowladda dhexe iyo maamullada qeybta ka ah federaalka.

Halka xildhibaanno kalana ku doodeen in dowladda dhexe faragalin toos ah heyso maamul gobolleedyada looban baahan yahay in labada golle ee dalku leeyahay wax ka qabto faragalintaas.

Laakiin dhinaca kale meesha kama aysan marneyn xildhibaanno soo jeediyay in arrimaha socda si hoos loo eego, loona saaro guddi xaqiiqo raadin ah oo u kuurgala wax yaabaha leysku hayo, kuwaa oo socdaal ku tagaya deegaannada dowlad gobolleedyada dalka.

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul gobolleedyada ayaa sababtay in uu sameysmo Isbaheysi  ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka ka ka dhisan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan kulan wadda tashi ah ku martiqaaday madaxda maamul gobolleedyada kaasoo dhawaan dhici doona.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]