4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2017
Dad lagu laayay weeraro Boko Haram ay ka geysatay Maiduguri

 

Isniin, October, 23, 2017 (HOL) - Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo kala duwan nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weeraradan balse magaaladan Maiduguri waxa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Haram.

Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad kasoo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Haram.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakcay sabab la xiriira halista kooxdan Boko Haram ee magaalada Maiduguri.

BBC