4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2017
Musharax madaxweyne Muuse Biixi oo lagu soo dhaweeyay gobolka Sool


Axad, October, 22, 2017 (HOL) – Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa maanta dhoola tus aad u balaadhan ka muujiyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kadib markuu soo gaadhay hogaamiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi ahna musharaxa madaxnimada Somaliland ee xisbigan.

Soo dhawaynta Musharaxa madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka qayb qaatay mas'uuliinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool iyo kumanaan tageerayaal ah oo Ku labisan astaanta xisbiga, kuna dhawaaqaayay heeso taageeraa.

Musharax madaxnimada Somaliland ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa si Wayne ugu mahad celiyay taageerayaashiisa Ku soo dhaweeyay magaalada , isagoo tilmaamay in uu si lixaad leh ugu tashanayo magaalada Laascaanood inuu cod aqlabiyad ah ka heli doono.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay sisocon doonaan mashaariicda horumarineed ee xisbiga Kulmiye ay ka fulin doonaan deegaanadan hadii uu Ku guulaysto xilka madaxnimo sidii uu horaba u balan qaaday madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Isusoobaxa dabaaldagyada xisbiga Kulmiye oo ah maalintii labaad ayaa hakiyay isusocdka gaadiidka galinkii hore ee maanta , halka malinimadkii shaly magaalada lagu soo dhaweeyay xisbiga mucaaridkaa ee UCID hogaamiyihiisa Faysal Cali Waraabe, barina la dhawrayo Xisbiga Wadani .

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.

[email protected]

Laascaanood, gobolka Sool.