4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2017
Xisbiga kULMIYE oo dhoolatus ku soo bandhigay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland


Axad, Octobar, 22, 2017 (HOL)- Ololihii xisbiyadda Somaliland ayaa galay maalintii labaad, waxaana saaka dhoolatus balaadhan ka dhigay dhamaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Xisbiga kulmiye ayaa fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn dhoolotus ku sameeyey, waxaana gobolada waaweyn uga qaybgalay madaxda sare ee xisbiga, magaaladda Boorama waxa taageeraasha xisbiga kumiye kala qaybgallay madaxweyne ku xigeenka oo ah musharax madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici, gudoomiyaha xisbiga wuxuu kala qaybgalay taageerayaasha iskugu soo baxayey fagaaraha beerta xoriyadda ee magaaladda Hargeysa, halka madaxweyne Siilaanyo kala qaybgallay magaaladda Burco.

Madaxdan oo khudbado kala duwan ka soo jeediyey fagaarayaasha ayaa dadweynaha reer Somaliland usoo jeediyey inay xisbiga kulmiye codka siiyaan.

Sidoo kale, wadooyinka magaaladda Hargeysa waxa illaa xalay iyo saakaba cidhiidhi galiyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo heeso iyo hoon intay iskugu daraan ku wareegayey wadooyinka waaweyn ee caasimadda Hargeysa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.