4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2017
Maleeshiyaad ku dagaalamay deeganno ka tirsan gobolka Mudug

 

Axad, October, 22, 2017 (HOL) – Sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed oo ka soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug aya ka dhacay degaanno ka mid ah gobolka Mudug.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalkan xooggiisa uu ka dhacay deegaannada Gacma Falle iyo Godad oo dhinaca Waqooyi bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay Afar ruux oo ka mid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaallamay.

Dhinacyadan dagaallamaya ayaa la sheegay in murankooda uu ka billowday is qabqabsi dhul daaqsin ku yaalla halkaasi.

Illaa iyo haatan ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyadan dagaallameysa, mana jirto wax hadal ah oo dagaalkaasi ay kasoo saareen maamullada Galmudug iyo Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]