4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2017
Faah faahin ku saabsan gaari dad shacab ah la socdeen oo ku qarxay dulleedka degmada Balcad

 

Axad, October, 22, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijiyo ilaa todobo ruux ayaa ku geeriyootay qarax miino oo halleelay gaari caasi ah oo ay la socdeen dadkan, sida ay xaqiijiyeen goob joogyaaal.

Inta badan dadka dhintay ayaa la sheegay in ay ahaayeen haween la socday gaariga oo ka soo anbabxay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu waramayaa in uu ku soo jeeday degmada Balcad.

‘’Waxaan ognahay in gaarigan uu saakay ka tagay degmada Afgooye isaga oo ay la socdeen dad beerley ah’’ ayuu yiri Captain Isa Osman oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gaariga ayaa gabi ahaanba bur buray sidoo kale dadkii la socday ayaa la sheegay in qaarkood goobta laga soo qaaday qeybo ka mid ah jirkooda oo ay miinadu jarjartay.

Halka uu gaarigan ku qarxay oo ah waddo xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Balcad waayadii ugu danbeeyay waxaa ka jiray xiisado dagaal oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]