4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo u anbabaxay qaar ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

 

Axad, October, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u dhoofay magaaalada Kampala ee dalka Uganda socdaal qeyb ka ah safar uu ku tagi doono qaar ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa madaxda dalka Uganda kala hadli doona arrimo badan oo ay ka mid tahay dardar galinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.

“Madaxweynaha wuxuu kala hadli doonaa madaxda dalka Uganda dar dar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, ciidamada Uganda howlgalada socda ayeey qeyb ka yihiin, doorkooda dagaalka Al-shabaab ayaa laga wada hadli doonaa” ayuu yiri Sareeye Gaas Cabduwali Jaamac Gorod oo ah taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu socdaalo ku soo maro dalalka dariska ah qaarkood, gaar ahaana dalalka Jabuuti iyo Ethiopia, isaga oo iyagana kala hadli doona xaaladaha dalka howlgalada ay isku diyaarinayaan ciidamada dowladd.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]