Axad, October, 22, 2017 (HOL) – Madaxa cusub ee Hay'adda
Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo go'aankii uu ugu
magacaabay madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, in uu hay'addaasi caalamiga ah
u noqdo safiir sharafeed.
Magacaabistan ayuu
todobaadkii tegay Dr Tedros Adhanom kaga dhawaaqay shir uu ka qeybgalayay
Mugabe oo ka dhacayay dalka Uruguay, balse magacaabistan ayaa horseedday
cambaarayn caalami ah.
Dr Tedros ayaa
bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu haatan dib uga fakarayo qaabkii uu ku
magacaabay madaxweyne Mugabe, isaga oo qadarinaya waxa uu ugu yeeray qiyamka
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Dr Tedros, waxa uu
sheegay inuu dhawaan soo saari doono bayaan cusub oo arrintaasi la xiriirta.
Dalalka Britain
iyo Mareykanka ayaa si cad u sheegay in ay ka niyad jabeen magacaabista Mugabe.
Halka mucaaradka
dala Zimbabwe-na ay arrintaasi ku tilmaameen mid kaftan ah.
Balse
taageerayaasha Madaxweyne Mugabe ayaa sheegay inay taasi tahay qadarin ku
haboon hogaamiyahan ugu da'da weyn qaaradda Afrika, kaasi oo ay sheegeen inuu
si weyn u taageero daryeelka caafimaadka ee caalamka.
Hasse ahaatee
dadka naqdiya Mugabe ayaa waxa ay ugu yeeraan kaligii taliye kor ka eeganayay
burburka hannaanka caafimaadka ee Zimbabwe, xilligii uu dhaqaalaha dalkaasi sii
liicayay.
BBC