Axad, October, 22, 2017 (HOL) - Taliye ku xigeenka
Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland
C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay
guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.
Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland
ayaa uga dhacday jilibka. Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray
taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababto in taliyuhu uu bastoolad u xirnayd la baxo
oo rasaas ku furo guddoomiyaha.
Goobjooge ayaa u sheegay VOA in shaqaaqadan ay ka dhacday
shir dhinaca amniga looga hadlayay oo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada
Garowwe.
Shirkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo
kuxigeenkiisa, Gobalka gobolka Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada
Puntland.
Labadan mas'uul ayaa isku qabsaday mas’uuliyadda amniga gobolka Nugaal
gaar ahan ciidanka amniga gudahiisa.
Taliyaha Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa dhowaan waxa
shaqadiisa dib ugu celiyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas
kaddib xil ka qaadis u horay ugu sameyay madaxweyne ku xigeenka Puntland
C/xakiin xaaji Cumar Cameey.
Sanadkii 2016-kii ayeey ahayd markii sidan oo kale gacan ka hadal dhexmaray
saraakiil booliska ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wasiirkii Amniga
xiligaas Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]