4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2017
Guddoomiyaha xiriirka Mini Football ee gobolka Mudug iyo labo ciyaaryahan oo Dib ugu soo laabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Sabti, October, 21, 2017 (HOL) –Magaalada Gaalkacyo, waxaa dib ugu soo noqday guddoomiyaha xiriirka kubadda cag-yaraha Mini Football ee gobolka Mudug Cabdiqani Khaliif Carabey iyo labo ciyaaryahan oo ka soo qayb-galay tartanka koobka adduunka ee xiriirka Mini Football  oo sannadkan lugu qabtay dalka Tunisia.

Ilaa 24 dal oo ay Soomaaliya ka mid ahayd ayaa sannadkan ka qayb-galay koobka adduunka ee garoomadda gaaban ee uu qabto xiriirka Mini Football, waxaana sannadkan ay ahayd markii ugu horreeysay oo tartantankan ay Somalia ka qayb-galaysay.

Inta uu socday kooxda mataleysay Soomaaliya ayaa la ciyaartay kooxihii matalayay waddamada Barazil, Ruushka iyo Bosnia , waxaana tartanka Soomaaliya uga qayb-galayay ciyaaryahanno ka yimid, waddamada Yurub, Canada iyo Marekanka, halka labada ciyaaryahan oo dalka ka tagay ay ka mid ahaayeen kooxda qaranka Soomaaliya.

Guddoomiyaha xiriirka Mini Football ,Cabdiqani Carabey oo hoggaaminayay labada ciyaaryahan ee kooxda Soomaaliya ka mid ahaa, ayaa aad u ammaanay hab dhaqanka iyo bandhigii wanagsana ee ciyaartoyda ay muujiyeen inta uu tartanka socday, wuxuuna sheegay guddoomiyaha inay ahayd markii ugu horreeysay oo kooxda Qaranka Soomaaliya ay ka mid noqdaan ciyaaryahanno ka tagay Puntland gaar ahaanna gobolka Mudug.

"Waxa ay ahayd markii ugu horreeysay oo ciyaartoy Puntland ah ay xirtaan funnaanada xulka  Soomaaliya  ee Somali Mini Football." ayuu yiri gudoomiye Carabey oo tilmaamay in xiriirka Somali mini Football Association uu shaqo fiican qabtay intii uu tartanka socday.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale  u mahad-celiyay dadkii fududeeyay in labo ciyaaryahan ay ka tagaan gobolka Mudug, isla markaana bixiyay dhaqaalaha ku baxayay safarkooda waxaana uu sheegay in ay kala ahaayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Marekanka, Axmed Ciise Awad, Safiyo Baasey, Cabdirashiid Xasan Xirsi , shirkadda isgarsiinta Somtel Puntland iyo xawaaladda Amal qaybteedda dalka Canada.

Ugu danbayn, guddoomiyaha xiriirka Mini Football ee gobolka Mudug Cabdiqani Carabey ayaa xusay in tartanada xiga ay Somalia ka keeni doonto guulo wax ku ool ah ,isla markaana diyaar-garowga uu xilli hore sii bilaaban doono.

Faysal M. Hassan
[email protected]