Sabti, October, 21, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas
oo cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay ka wadaan diyaar garoow ku aadan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa u kuurgalay abaabulka ay ciidamada ku jiraan isaga oo kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan looga adkaado wax uu ugu yeeray cadawgga umadda Soomaaliyeed.
“Waxaa ay ogaan doonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg
deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan
tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena
badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”
Saraakiisha iyo ciidamada ayaa madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay
in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka
Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan
dagaalkan.
“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana
la joogaa. Mudane Madaxweyne, ciidamada Xoogga Dalku waxaa ay sugaayaan oo kaliya
waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” ayuu yiri mid ka mid
ah saraakiisha xarunta.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha
ciidamada Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan
iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada
ah ee Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]