4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2017
Madaxweyne Waare oo Jowhar kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan AMISOM (Sawirro)

Sabti, October, 21, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Africa ee Amisom,  Iyagoo ka wad hadlay Xoojinta Wada shaqeynta, iyo xaqiijinta amniga guud.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa kulanka Saraakiisha AMISOM uu la qaatay ku wehlinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana kulanka la isku dhaafsaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka howlgala iyo kuwa AMISOM iyo in si dhab ah uga qeyb qaataan sugida amniga guud ahaan deeganada Hirshabelle gaar ahaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalin kaddib lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka.

Taliyaha Sectar 5 ee ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gen Voctor oo saraakiishaasi hogaaminayay ayaa balan qaaday in si dhow ay u wada shaqeynayaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howgala gobolka ayna sii xoojin doonaan xaqiijinta amniga, sidoo kalena ay qorsheynayaan in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska wadooyinka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo uu midowga Africa fulinayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Amisom kaga mahadceliyay sida har iyo habeen ay ugu soo jeedaan sugida amniga, waxaana uu ku ammaanay doorkooda la xiriira garab istaaga Soomaaliya, waxaana uu si qoto dheer saraakiisha uu kaga warbixiyay sida mudnaanta koowaad uu u siinayo amniga iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado howlaha horyaala ciidamada si gaar ah waxaa uu carabka ugu adkeeyay sidii loo xaqiijin lahaa amniga inta lagu gud jiro xafladda caleema saarka oo dhaceysa 23 bishan oo maalin uun ay ka harsantahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogo xafiiska sidaan oo kale kulama Muqdisho kula soo qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Africa Amisom, iyo kuwa Soomaalida oo uu kala hadlayay arrimaha Amniga deegaanada Hirshabelle iyo sida muqadas ay u tahay in cadowga laga dulqaado bulshada ku dhibaateysan Deegannada Hirshabelle oo ay go’doomiyeen kooxda isku biirsatay leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed ee Al Shabaab.

Mustaf Hussien
[email protected]