Ololihii Xisbiyadda Somaliland oo si rasmiya u bilaabmay iyo xisbiga UCID oo taageerayaashiisa isku soo baxeen
Sabti, Octobar,21, 2017 (HOL)- waxa
maanta si rasmiya u bilaabmay ololihii doorashoyinka Somaliland, waxaana maanta
ololihiisa bilaabay oo kalkiisa noqotay xisbiga UCID oo bakhtiyaa nasiib u
helay inuu maalinta koowaad uu noqdo, halka
maalinta labaad uu noqday xisbiga KULMIYE, maalinta sadexaad uu noqday
xisbiga WADANI.
Goboladda iyo degmooyinka Somaliland waxa isku soo baxyo waaweyn ka
sameeyey xisbiga UCID, waxaanu gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe
kala qaybgallay taageerayaashiisa gobolka Togdheer ee xarunta gobolka Togdheer.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in doorkan doorashadda uu isagu ku
guulaysan doonno, waxaanu sheegay in doodii uu habeenkii dhowaa ka qaybgalay ay
dadweynuhu intoodda badan ku hambalyeeyeen oo uu isagu noqday ninkii ku
horeeyey doodda, sidaas darteed waxa uu codsaday in tageeradda loo muujiyey
codkana loogu daro.
“Labada Murashax Ee Kale
Taladoodi Waxay Saarteen Salaadiintoodii, Anna Waxaan Taladayda Saartay
Ilaahay, Waxaa Ii Soo hambalyeeyay Dad Ku Dhaw 200,000,(Laba-Boqol Oo Kun Oo
Qof ,) Hambalyana Waxaan Uga Baahi-badanahay Cod-ka oo aad I Siisaan,"ayuu
yidhi Faysal Cali Waraabe.
Ololaha xisbiyadda ayaa socon
doono muddo saddex toddobaad ah, waxana ka dib loo dareeri doona doorashadda oo
ku beegan 13-ka November,2017-ka taas oo la soo dooran doonno madaxweynaha iyo
madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedeli doona madaxweyne Siilaanyo.
Xisbiyadda ayaa maalmihii u
dambeeyey xafiiso ka furanayey dhamaan magaalooyinka waaweyn waxaana maalin walba
xisbiga isku soo baxa u leh iskugu imanaya taageerayaashiisa fagaarayaasha
dawladda.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.