4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 21, 2017
EU oo ka qeybqaadaneysa gurmadka loo fidinayo dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Muqdisho

 

Sabti, October, 21, 2017 (HOL) – Midowga Yurub ayaa shaaciyay in ay si deg deg ah uga qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Xoogganaa ee 14-kii Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Jimcihii ayay sheegeen xubno ka tirsan Midowga yurub in Maraakiib Sida dawooyin loo so diri doono Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in Midowga Yurub in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga qeyb qaato gargaarka dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibta dagaalka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub in ay si wanaagsan uga qeyb qaateen Gurmadka dadka Soomaaliyeed Markii uu dhacay Qaraxa.

Waxaa ay sidoo kale tilmaameen in dawooyin iyo sidoo kale qalab Caafimaad oo horudhac ah in ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo xalay soo bandhigtay xogta Qaraxa ayaa sheegtay qaraxa guud ahaan inuu waxyeeleeyay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]