Sabti, October,
21, 2017 (HOL) – Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay
in ku dhawaad lixdan qof ay dhinteen kaddib markii weeraro lagu qaaday labo
masjid oo ku yaalo dalka Afghanistan salaadii Jimcaha.
Kooxda isugu yeerta
khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtaya mas'uuliyada weerardani lagu
qaaday goobaha lagu cibaadeysto ee dalka Afghanistan.
Weerarka hore ayaa
qof isa soo midaamiyay waxaa uu isku dhex qarxiyay masjid ay leeyihiin shiicada
oo ku yaalao magaalada kabul, halka weerarka kalena uu ka dhacay masjid kale oo
ku yaala gobolka Ghor.
Dadka ay
waxyeelada kasoo gaartay weeraraka lagu qaaday masjidka Imam Zaman ee Kabul
ayaa la sheegay inay tukanayeen salaada jimcaha, waxaana qofka weeraraka
geystay sidoo kale la sheegay in uu rasaas ku furay dadkii cibaadeesanayay
kahor intaanu is qarxinin.
Kooxdani ayaa
horay u bartilmaameedsan jirtay masaajidada shiicada guud ahaan dalka
Afghanistan.
Afhayeen u hadlay boolsika Afghanistaan oo lagu magacaabo
Basir Mojahid ayaa xaqiijiyay in weeraradani, inkastoo aanu fahfaahinin qaabka
ay wax u dhaceen.
Qof goob-jooge
ahaa marka uu dhacayay weeraraka Kabul ayaa BBC-da u sheegay in goobta uu
weeraraka ka dhacay ay noqotay furun dagaal.
Dowladda dalkaasi
ayaa sheegtay inay wado baaritaan lagu ogaanayo kuwii ka dambeyay weerarada.
Sarkaal sare oo
katirsan koox taabacsan dowladda Afghanistan ayay sidoo kale wararku sheegayaan
in uu ku dhintay weerarka ka dhacay goobolka Ghor.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]