4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Cali Khaliif iyo Axmed Siilaanyo oo heshiis Burco ku kala saxeexday

 

Jimco, October, 20, 2017 (HOL) – Labada madaxwayne ee Somaliland iyo Khaatumo Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta magaalada Burco kukala saxeexday heshiid nuxurkiisu ka koobanyahay dhawrkan qodob ee soo socda.

1: In la helo cadaalad , sinaan iyo nabad kuwada noolansho.

2: In lawada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.

3: In khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wadahadal iyo jid nabadeed.

4: In la adkeeyo midnimada iyo nabad kuwada noolanshaha .

5: In distuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi Ku dhisan cadaalad iyo sinaan, gudi jogtaana loosaaro arinkaasi.

6: In dawlada Somaliland ururada samafalkaa iyo hay'adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawlgala ay mashaariic wax Ku ool ah ka samayn lahaayeen gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

7: In ciidamada Khaatumo ee hubaysan la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa iyo jiritaankiisa iyo danihiisa.

Qodobqdan maanta qalinka lagu duugay ayaa waxa midho dhal u yihiin shirar isdaba joog ah oo dalka gudihiisa iyo dabadab labada dhinac ay Ku wada qaateen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool.