Jimco, October, 20, 2017 (HOL) – Shir jaraa’id oo goor dhaw
Isgoyska Zoobe ay ku qabteen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa
lagu faah faahiyay tira koobka rasmiga ah khasaarihii ka dhashay Qaraxii 14kii
bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe.
Wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka amniga iyo warfaafinta
ayaa kula hadlay warbaahinta goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo sheegay in
tirakoob la sameeyay lagu ogaaday in tirada dhimashada uu sababay qaraxa ay
gaarayaan 358 ruux, halka dhimashada iyo dhaawac marka leysku daro dadka halkaa
wax yeeladu ka soo gaartay ka badan yihiin 642 oo ruux.
Tirada dhismashada ay caawa ku dhawaaqday dowladda ayaa aad
uga badan inta markii hore la hadal hayay, halka wali ay jiraan dad kale oo
nolal iyo gaari lagu la’yahay.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 122 ruux loo qaaday dibadda, sida
Turkiga, Sudan iyo kenya, waxaa uu xusay in dhaawacyadii haray 99 ka mid
ah ay bogsoodeen, oo dib guryahooda ugu laabtay, halka 7 dhaawac ay
wali Isbitaalada ku jiraan.
Wixii ka soo kordha warbixinta dowladda ee la xiriirta
qaraxii Zoobe waan idin soo gudbin doonnaa.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]