4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Dowladda Itoobiya oo deeq dawo ah soo gaarsiisay Soomaaliya

 

Jimco, October, 20. 2017 (HOL) – Diyaarad siday deeq dawo ah oo ka timid dalka Itoobiya ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaaradaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wafdiga diyaarada la socday ee Itoobiya ka yimid waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid aheyd wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur, Xildhibaano, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo halkaasi warbaahinta hadal kooban ku siisay ayaa uga mahadcelisay dowladda Itoobiya, garab istaaga iyo hiilada ay la barbar taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Deeqdan midan keliya in aysan aheyn, sidoo kalena maanta gelinka dambe la filayo in Muqdisho ay timaado Diyaarad kale oo Itoobiya ka socota.

Dowladaha Mareykanka, Turkiga, Kenya, Qadar iyo Jabuuti ayaa Todobaadkan sidoo kale Muqdisho waxay u soo gaarsiiyeen gargaar caafimaad oo ay ku taageerayaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]