4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Jaaliyada Birmingham UK oo soo dhaweyn u sameysay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur

 

Jimco, October, 20. 2017 (HOL) – Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda labaad dalka Britain ee Birmingham ayaa u sameysay munaasabad soo dhaweyn ah xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo horay u soo noqday wasiiru dowlaha maaliyada dowladda Soomaaliya.

Soo dhaweynta xildhibaanka ayaa waxaa ka qeybgallay Jaaliyada reer Birmingham qeybaheedda kala duwan, waxaana halkaa xildhibaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha ayaa su’aalo ka weydiiyay xildhibaanka marxalada siyaasadeed iyo Amni ee uu dalku sugan yahay, isaga oo sheegay dalku hadda sameynayo is badal dhinacyo badan leh, isaga oo ku booriyay Jaaliyada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dhismaha dalka.

‘’Dalku hadda meel wanaagsan ayuu ka yimid meel wanaagsanna waa u socdaa, kaliya waa in aan muujinayaa is kaashi iyo wadda shaqeyn’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Ka qeybgalayaashii munaasabada ayaa dhinaca kale si wadda jir ah u cambaareeyay weerarkii Zoobe, iyaga oo muujiyay dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin qaraxa galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]