4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Kumannaan dadweyne ah oo Salaadii Jicmaha kaddib Janaaso ku tukaday barxada Isgoyska Zoobe

 

Jimco, October, 20. 2017 (HOL) – Kumanaan dadweynaha reer Muqdisho ah ayaa maanta Salaadii Jicmaha kaddib waxaa ay Janaaso wadareed ku tukadeen baraxada Isgoyska Zoobe oo Sabtidii 14kii bishan uu ka dhacay qaraxii cuslaa.

Dadkan oo ay hoggaaminayeen Culumaa’udiin ayaa barxadii uu qaraxa ku laayay boqolaalka qof istaagay, waxaa ay u duceeyeen dadkii ku dhintay musiibadaas

Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ahaa Culimadii hoggaminayay ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay masiibadaas in naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxaana qof walba uu u akhrinayay duco gaar ah.

 

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa dhowaan ku baaqday in Salaada jimcaha kaddib la isugu tago goobtii qaraxa, isla markaana loo duceeyay dadkii ku dhintay musiibadaas.

Magaalada Muqdisho marka aad tagto goobaha dadku ku badan yihiin lagu kulmo ama aad raacdo gadiidka dadweynaha hadal heynta ugu badan ee bulshada ah qaraxii Zoobe oo noqday mid taariikh madow ku reebay maskaxda qoysas badan oo Soomaaliyeed oo qaraxaa ku waayay dad ay jeclaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]