4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka oo la kulmay taliska AMISOM

 

Jimco, October, 20. 2017 (HOL) - Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha ugu sareysa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la sii xoojiyo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in sanadkan uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo Al-Shabaab, laguna xoreyn lahaa meelaha kooban ee dalka ay uga sugan yihiin.

“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Soomaaliya laga ciribtiro argagixiso ”ayuu yiri taliyaha xoogga Jen. Gorod.

Taliyaha AMISOM Jen. Sugable ayaa ugu hambalyeeyey Taliyaha cusub ee Xoogga dalka xilka culus ee loo magacaabay, waxuna cadeeyey in AMISOM ay diyaar u tahay sii xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]