Jimco, Octobar,20, 2017 (HOL)- Dooddii
ugu horeysay Taariikhda ee musharaxiinta saddexda xisbi ee Somaliland loo qabto
ayaa xalay ka dhacday magaaladda Hargeysa, taas oo la iskugu keenay saddexda
musharax ee kala ah Musharax Muuse Biixi Cabdi oo ka socday xisbiga KULMIYE,
Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaahi Cirro oo ka socday xisbiga WADDANI
iyo musharax Eng;Faysal Cali Waraabe oo ka socday xisbiga UCID.
Dooddan xalay dhexmartay saddexda
musharax ee bisha November 13-keedda ka dhici doonta Somaliland ku tartami
doonna ayaa dadweynuhu si weyn u sugayeen,isla markaana la qiimaynayey qaabka
uga jawaabeen su’aalaha iyo siday ugu kala duwan yihiin barnaamij
siyaasadeedkoodda.
Xalay fiidkiiba dadweynaha reer
Somaliland ee xiisaynayey doodda ayaa fiidkiiba kala xarooday si ay
telefishanada iyo baraha bulshada uga daawadaan doodda, waxaanay xalay
magaaladda Hargeysa u muuqatay mid fiidkiiba laga rawaxay.
Dooddan ayaa laba wariye loo soo
xulay taas oo loo dhaariyey inay si daacad ah u daadihinayaan doodda,isla
markaana aanay qof jeclaysi iyo si kala eexasho ah u waddin doodda mudadda ay
dooddo socoto.
Doodan ayaa soo gabogabowday
abaaro kowdii habeenimo, taas oo su’aallo badan oo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha,
waxbarashada, siyaasadda arrimahada dibadda iyo amniga qaranka wax laga
waydiiyey siday wax uga qabanayaan.
Su’aalaha ugu adkaa ee la
waydiiyey musharaxiinta waxa ka mid ahaa sida loo kala saarayo dimuqraadiyada
iyo qabyaaladda, wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, maamulka hawadda
sare ee Somaliland iyo SOomaaliya, muddo
kordhinta doorashooyinka loo sameeyo oo mudaddii u dambaysay ku dhaqmayeen
xukumadihii kala dambeeyey ee Somaliland iyo musharax walba wuxuu kaga duwan
yahay musharaxa kale.
Musharaxiinta ayaa dhamaantood
su’aalaha mid walba siday la tahay uga jawaabay, waxaanay taageerayaashii
awalba kala taageersanaa musharaxiinta ka dhex dhalisay dood hebel baa doodda
ku badiyey iyo hebel baa laga badiyey, taas oo ilaa xalay iyo saakaba haysatay
baraha bulshadda.
Si kastaba ha haaatee, dooddan
ayaa noqonaysa mid ka turjumaysa bisayl siyaasadeed,isla markaana hore u qaaday
horumarkii ay Somaliland ku talaabsatay ee xaga dimuqraadiyadda oo labaatankii
sanadood ee u dambeeyey ku dhaqmaysay.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.