4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Kulan Amniga ku saabsan oo ka dhacay degmada Xudur ee gobolka Bakool

 

Jimco, October, 20. 2017 (HOL) – Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay arrimo la xiriira amniga iyo dib u celinta dadka ku soo barakacay degmada.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Bakool, kan degmada, laamaha amniga, odayaasha, dhalinyarrada iyo haweenka.

Maxamed Macalin Axmed guddoomiyaha degmada Xudur oo goobta ka hadlay ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo gaaro guulo hormar leh oo la taaban karo.

“Shacabka degmada Xudur, waa dad isku xiran, waxay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan cid ka shaqeyneysa Amni darro, waxaa nalooga baahan yahay in aan ka wada shaqeyno hormarka degmada” ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

Maalmo ka hor ayaa ciidamada ka tirsan dowladda federaalka iyo Al-shabaab waxay ku dagaalameen meel aan ka baxsaneyn degmada Xudur, Saraakiisha ammaanka waxay sheegeen dagalkaasi in ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, laakiin Al-shabaab wax hadal kama aysan soo saarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]