4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaadanaya baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya

 

Jimco, October, 20. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ah uu kulan la qaato xidhibaannada baarlamaanka labada Aqal ee dalka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah madaxweynaha uu kulan la yeelan doono baarlamaanka labada Aqal isaga oo kala hadli doona arrimaha amniga iyo dalka uu gallayo xaalad dagaal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dibadbax ka dhacay Muqdisho ka sheegay in la sameynayo ciidamada difaacada dadweynaha, qof walba oo Soomaali ahna looga baahan yahay in qori uu qaato, si Shabaab loola dagaalamo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ugu dhawaaqay in dalka uu galay xaalad dagaal, laakiin wixii waqtigaa ka danbeeyay Al-shabaab waxaa ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]