4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2017
Dhaawacyadii la geeyay Sudan oo daryeel la’aan ka cabanaya

 

Jimco, October, 20. 2017 (HOL) --Dadka ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdishu ee daaweynta loo geeyey dalka Suudaan ayaa sheegaya inaysan saacado badan helin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa kadib markii lagu daadiyey goob cisbitaal ah oo aan ku habboonayn baahidooda.

Dhaawacyadaasi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in muddo ka badan hal maalin aanan lagu mudin wax xanuun baabi'in ah isla markaana qaarkood ay weli ku xiran yihiin faashadihii ay kala tageen magaalada Muqdisho.

Laakiin dhinaca kale wasaarada arrimaha dibeda xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socto cabashada dadka dhaawaca ah ee la geeyay dalka Sudan islamarkaana intooda badan la xaliyay cabashada bukaanka.

Dadka dhaawaca ah waxaa Sudan geysay dowladda Qatar oo ka qaatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo loo qaaday dalalka Turkiga iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]