4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2017
Kheyre : Dhalinyarada ha u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-shabab

 

Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumada uu hogaamiyo marnaba raali ka noqon doonin in la laayo sida uu hadalka dhigay shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed ayuu dhalinyarada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku darray in aan loo baahneyn mar walba in mashquul lagu ahaaado sida uu hadalka u dhigay siyaasad, laakiin loo baahan yahay in wax laga qabto amniga dalka.

Khayre ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu soo jeediyay Sabtida wixii ka dambeeya dalka inuu geli doono xaalad dagaal.

‘’Hal waddo oo kaliya ayaa inoo furan oo ah in aan aqbali in mar kale ay soo noqoto dhacdadii 14kii October oo kale’’ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dibadbixii shalay ka sheegay in la dhisayo ciidamo cusub oo lagu magacaabo difaaca shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]