4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2017
Shirkadda BECO oo 70 Kun oo Dollar ugu deeqdey dadkii dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe


Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) – Iyadoo weli uu socdo  Gurmadka loo sameynayo Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii Zoobe ayaa Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO waxay dadkaas ugu deeqdey lacag gaareysa 70 kun oo doolar oo Shirkada  ugu talagashey in lagula Tacaalo dadkii ku dhibaatoobey Qaraxaasi

“Marka hore waxaan ka tacsiyadeyneynaa dadkii ku wa xyeeloobey Qaraxaas inta Dhimatay waxaan leenahay Allaha u Naxariistio inta Dhaawaca ah Ilaah ha Caafiyo Deeqdaan waxaan ugu talagalnay hadii aan nahay Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO qaar la gaarsiiyo Guddiga Gurmada Qaran sidoo kale waxaa ugu tala galney Deeqdaan in la gaarsiiyo dhamaan Isbitaalada kala duwan ee Jiifta Dhaawacyada iyo Aqoonta Aabayaashooda ku dhinteen Qaraxaasi” sidaa waxaa yiri Maamulaha Shirkada Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Maxamed Saadaq Shiikh Maxamed oo Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Shirkada ee Magaalada Muqdisho oo intaa sii raaciyey

“Waxaan u Mahad celinaynaa Dowlada Turkiga sida Dhaqsiyaha badan oo ay uga jawaabtey in ay si deg deg ah ku Caawinto Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxaasi, waana marka la kala ogaado Walaalkaada Dhabta ioyo kan kale marka aad baan u soo dhaweyneynaa Garab istaaga Dowlada Turkiga shacabka Soomaaliyeed

Maamulaha Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Mudane Maxamed Saadaq oo ay Garab fadhiyeen Mas'uuliyiinta iyo Shaqaalaha Shirakada  waxaa uu sheegey in Shirkada ay waligeedba ka qayb qaadan jirtay u gurmadshada dadka  Soomaaliyeed ee  dhibaatooyinka la soo gudboonaadaan.

Wuxuu u soo jeediyay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Shacabkooda gaar ahaan dadkii dhibaatada ka soo gaartey qaraxaasi sida Caruurta agoonta ah iyo kuwa kale ee Halkaas ku waayey ganacsigooda maadaama Meelaha qaar laga biilayey Boqolaal Qoys

Shirkadda ayuu sheegay in ay markiiiba ka howlgashey goobtii Qaraxa uu ka dhacay si dib loogu soo celiyo Iftiinkii halkaas ka jirey sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in ay nagu gacan siiyaan adeega aan u hayno Bulshada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]