4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2017
Madaxwayne Axmed Maxmad Maxamuud Siilaanyo oo gaaray Laascaanood


Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mudooyinkii u danbeeyay safararo Ku galaa bixinayay deegaano kala duwan ayaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxeaynaha ayaa xadhiga ka jaray Dugsiga Sare ee Hoyga Laascaanood oo la dhisay 1962dii ayaa noqday mid burburay kadib markii uu burburay sistamkii waxbarasho wixii la danbeeyey sagaashamaadkii.

Iskoolkan waxaa dib u dhiskiisa ku baxday hanti gaadhaysa milyan iyo sadex boqol oo kun oo Dollar, waxaana loogu talagalay in ay wax Ku bartaan adrayda ka soo baxda dugsiyada dhexe ee ku yaal degaanada aan lahayn dugsiyada sare.

Waxa uu sidoo kale mudane Siilaanyo xadhiga ka jaray xarumo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Laascaanood oo la dhisay 1946dii oo aan helin dayactir iyo dibudhis toona ayaa waxa la geliyey dhaqaale gaadhaya 2,400,000 oo Dollar, taas oo ka dhigtay mid haatan lagu tilmaami karo mid u qalma dadka magaalada Laascaanood ku nool.

Dagmada Yagoori oo ka mid ahayd magaalooyinka uu wafdiga madaxwaynahu soo maray ayaa waxaa si wayne loogu soo dhaweeyay madaxwaynaha , iyadoo lagu gudoonsiiyay Faras .

Garaad Jaamac garaad Ismaaciil Ducaale oo gudoonsiiya madaxwayne Axmed Maxmuud Siilaanyo faraska ayaa tilmaamay waxqabdakii xukuumadiisu ka gaysatay mandaqadatan una mahad celiyay .

Safarka Madaxweynaha Somaliland oo noqonaya kii ugu danbeeyey iyadoo uu xilkiisu dhamaaday ayaa waxa uu magaalada Laascaanood kaga tegey isbedel balaadhan kaas oo ay ka mid yihiin wadooyin laami ah oo gaadhay 13 taas oo dardaaran uu uga dhigayo xisbigiisa KULMIYE in dadku ay doortaan si uu waxqabadku u sii socdo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool